Större text Mindre text
Mörkt läge Ljust läge

Caasuumad ku saabsan aqoonisweydaarsi lala yeelanayo Fatmir Seremeti iyo kulan shabakadeed dhex maraya dhallinyarada uu laxaadkoodu kala dhantaalan yahay 2 diisembar

Hadda waxa la joogaa markii lala kulmi lahaa  Fatmir Seremeti. Waa suurtagal in aad magaciisa ku xasuusato tiktok? Haddii aanad hore u arag, halkan ayuu ku jiraa: https://www.tiktok.com/@fatmirseremeti. Fatmir waa qof si xirfad leh u soo bandhiga su’aalaha la xiriira laxaadkeenna kala dhantaalan. Waxaynu baran doonnaa sida qoraal iyo fiidyowyo baraha bulshada loogu gaadhsiiyo dad badan.

 

Ma ogtahay in 3 diisembar ay tahay maalinta caalamiga ah ee dadka laxaadkoodu kala dhantaalan yahay? Fikraddayada ku aaddan aqoon isweydaarsigan iyo kulan shabakadeedkan waa isku dayid in la soo saaro agab saamayneed inta aan la gaarin maalinta caalamiga ah ee dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay.

 

Warbixin ku saabsan maalintan

Waxaynu joogi doonnaa lookallada  ay leeyihiin Xuquuqda Naafada ee ku yaal Sankt Göransgatan 82 A.  Waxaynu maalintaa ku bilaabaynaa in aynu soo ururno 9.30. Waynu wada qadaynaynaa, maalintana waxaynu soo afmeeraynaa 15.30.

Ha seegin fursaddaa. Kaalay oo baro hababka saamaynta ee aadka u muhiimka ah. . La kulan Fatmir. La joogjoog asxaab hore iyo kuwo cusub  oo ka tursan dhallinyarada dhaqdhaqaaqa naafada.

 

Waxaannu u baahannahay isdiiwaangelintaa ugu dambayn axadda 26 november.

 

Warbixin degdeg ah

Waa maxay? Waa aqoonisweydaar lala yeelanayo Fatmir oo ku saabsan hababka saamayneed ee kala duwan

Waa ayo? Waa adigaaga u dhexeeya 15-35 jir ee laxaadkiisu kala dhantaalan yahay oo deggen Stocholm ama iskii u iman kara Stockholm

Waa goorma? Waa sabtida 2 diisember, saacadda 9.30 ilaa 15.30?

Waa halkee? WaaSankt Göransgatan 82A

Goormaa ugu dambaysa isdiiwaangelinta? Waxaa ugu dambaysa axadda 26 november.

 

Foomkan iska diiwaangeli: https://forms.office.com/e/wehJWn0dzi

 

Jadwalka maalinta

9.30-10.00: Isu soo urur iyo isbarasho

10.00-10.45: Aqoonisweydaarsiga 1aad

10.45-11.00: Nasasho iyo cunto fudud

11.00-11.45:  Aqoonisweydaarsiga 2aad

11.45-13.00: Qado

13.00-13.45: Kulan shabakadeed ku saabsan in lagu tababarto sida loo sameeyo fiidyow iyo qoraalka baraha bulshada

13.45-14.00:  Nasasho iyo cunto fudud

14.00-14.45: Waxaa sii soconaya Kulan shabakadeedkii

14.45-15.00: Nasasho iyo cunto fudud

15.00-15.30: Qiimayn iyo gabagabo

15.30: Sidaas ayey ku dhammaatay maalintaasi

 

Ma qabtaa wax su’aalo ah? La soo xiriir madaxa mashruuca, Doaa Zatara: 0765399284, ama: doaa.zatara@ungsyn.se