16-ka ogos waxaannu qabanaynaa seminaar lagu soo afxirayo Dhaqdhaqaaqa dhallinyarada uu laxaadkoodu kala dhantaalanyahay (Unga funkisrörelsen), oo aannu ku soo bandhigayno natiijadii mashrcuucayaga.
Waxaannu ka warbixinaynaa diraasaddii lagu sameeyey fursadaha da’yarta uu laxaadkoodu kala dhantaalanyahay ee ka qaybgelidda iyo is abaabulka bulshada oo aannu wada fulinnay ururro, hawlqabadyada la qabsiga bulshada, xarumaha dhallinyarada iyo hawlqabadyada waqti-firaaqada.
Ugu dambayn, waa fursaddii u dambaysay ee aad xiriir kula yeelan lahayd dadkii aad is barateen muddadii uu socday mashruucu.
Waxaannu casuumaynaa adigaaga laxaadkiisu kala dhantaalanyahay ee ka qaybqaatay waxqabadkayagii labada sano iyo adigaaga aannu si kale xiriir ula yeelannay intii uu mashruucu socday.
Waxaynu iska kaashanaynaa in aynu soo wada gebagebayno, isla markaana isla yeelanno kulankii u dambeeyey ee mashruuca. Maadaama oo aynu si aad u wanaagsan u soo wada shaqaynay Funktionsrätt Stockholms län, waynu iska kaashanaynaa seminaarkan gebagebada ah.
Maadaama oo Unga funkisrörelsen uu ka duulayo in wadajirku yahay awood, waxaannu ku fikiraynaa in aad fursad u hesho haddii aad rabto in aad noo soo dirto fiidyow gaaban ama qoraal aad noogu sheegayso qofka aad tahay iyo kaalintii aad ka soo qaadatay (tusaale ahaan, ka qaybgale, shaqaale iwm) iyo sida aad mashruuca u aragto iyo weliba haddii aad talo ama fikrad guud aad bulshad u dirayso. Fiidyowyadaas/qoraalladaas, waxaa la isugu dubbaridayaa, sida qiimayntii ugu dambaysay ee uu sameeyo Unga funkisrörelsen, waxaana lagu soo bandhigayaa siminaarkan gebagebada. Fiidyowga iyo qoraalka waxaad soo raacin kartaa marka aad seminaarka isu diiwaangelinayso ama haddii aanad iman karin, waxaad u soo diri kartaa iimeylkan: uf@ungsyn.se
Warbixin ku saabsan maalinta
Taariikh: 16 ogos
Waqti: 13:00 ilaa 16:00
Goobta: lookalka Sankt Göransgatan 82A, Funktionsrätt Stockholms läns
Yaa iman kara: Dhammaan dadka xiisaynaya in ay wax ka ogaadaan siduu noqday mashruucii.
Waxaannu bixinaynaa cuwaaf
Isqoridda: iimeyl u dir uf@ungsyn.se. Sheeg magacaaga, baahida xagga laxaadka, haddii aad wadato eyga hagidda iyo haddii ay jiraan waxyaalo kale oo ay tahay in aannu sii ogaanno.
Maalinta ugu dambaysa isqoridda: axadda 11 ogos
Marka aad isqorto waxaad soo diri kartaa fiidyow ama qoraal ku saabsan mashruuca.
Wax su’aalo ah, ma qabtaa?
La xiriir madaxa mashruuca Doaa Zatara doaa.zatara@ungsyn.se ama 0765329284