Cid aan ahayn Parimah Attarian oo caan ka ah TikTok ma qabanayso waxbarashada dhacaysa 18 mey ee loogu diyaargarooobayo Järvaveckan. Sidoo kale waxay inala joogaysaa maalmaha Järvaceckan mid ahaan oo ah 1 juun. Haddii aydaan hore u arkin, ka fiiriya halkan: https://www.tiktok.com/@parimah.attarian.
Waxaynu kulmaynaa 18 mey, innaga oo baranayna sida aynu dhambaalkeenna ugu soo bandhigayno siyaasiyiinta, kuwa wax go’aamiya iyo atooreyaasha kale ee bulshada. Waa sida aynu u kaydinayno dhambaalladeenna iyo waxa aynu rabno in aynu ku soo bandhigno baraha bulshada si aynu u gaadhno saamayn weyn. Waxaynu ka doodi doonnaa arrimah aynu saamaynta ku yeelan doonno toddobaadka Järva. Iyo waxyaalo kale oo badan.
Parimah ayaa ina hagi doonta. Sidoo kale waxay inala joogi doontaa toddobaadka Järvaceckan 1 juun, iyada oo inaga taageeri doonta soo bandhigidda dhambaalkeenna iyo in aynu diiwaangelinno waxa aynu sheegi rabno. Waa fursad aad u qiimo badan oo ay tahay in aanad ka baaqsan in aad timaaddo oo aad saamayn yeelato.
Hagid, turjumaadda luqadda dhagoolaha ah iyo fududaynta baahiyaha kale, waa hubaal in aannu dabooli doonno. Waxaa loo baahanyahay uun in aad baahidaada ku soo gudbiso foomka ama la xiriir hoggaamiyaha mashruuca ee Doaa Zatara.
Maadaama oo aannu doonayno in labadaas mar ee waxbarashada ah, looga faa’iidaysto sida ugu badan ee suurtagalka ah, waxaannu rabnaa in aydun isla haddaba is diiwaangelisaan, haddii aad rabtaan oo aad ka qaybgeli kartaan maalinta waxbarashada ee 18 mey iyo toddobaadka Järvackan ee 31 mey -1 juun. Dabcan waad ka qaybgeli kartaa maalinta waxbarashada oo keli ah ama toddobaadka Järvaveckan oo keli ah. Si aad isu diiwaangeliso, buuxbuuxi foomkan ama la soo xiriir Doaa Zatara
Linkiga foomka: https://forms.office.com/e/tFEpGSdMSP
Warbixinta hawlqabadyada iyo xiriirka Doaa, waa kuwan soo socda:
Warbixin ku saabsan maalinta waxbarashada ee 18 mey.
Taariikhda iyo saacadda: 18 mey, saacadda 10.00-16.00
Goobta: Waa Sankt Göransgatan 82A oo ah lookaallada uu leeyahay ururka Funktionsrätt Stockholms läns .
Waxaannu idinku casuumaynaa cawaafta wakhtiga biririfta iyo qado. Soo qaado agab aad wax ku qorqorato.
Maalinta ugu dambaysa is diiwaangelinta waa: isniinta 13 mey.
Warbixin ku saabsan ka qaybqaadashada mashruuca ee toddobaadka Järva
Taariikhda iyo saacadda: 31 mey -1 juun, saacadda 12.00-19.00, labada maalmoodba
Waxaa la dooran karaa labada maalmoodba ama mid ahaan. Parimah waxay inoo imanaysaa 1 juun.
Goobta: Spånga IP, Solhems Hagväg 2, Spånga
Annagayaga wadna mashruuca, waxaannu goobta ku haysan doonnaa Teendho, waxaanannu dadweynaha iyo xitaa siyaasiyiinta u soo bandhigi in ay tijaabiyaan noocyo kala duwan oo naafonnimada ah si ay u dareemaan.
Waxaannu qaban doonnaa aqoonisweydaarsi 1 juun, saacadda 15.00-15.45
Intaa waxaa dheer in aannu socsoconno oo farriintayada gudbinno oo samayno fiidyowyo iyo qoraallo kale oo aannu ku baahin doonno barahayaga bulshada.
Qado ayaannu idinku casuumaynaa maalmahaas.
Maalinta u dambaysa is qoriddu waa: isniinta 20 mey.
Warbixin degdeg ah oo ku saabsan maalinta waxbarashada
Waa maxay? Waa maalin waxbarasho oo loogu diyaargaroobayo toddobaadka Järva
Waa goorma? Waa sabtida 18 mey, saacadda 10.00-16.00
Waa halkee? Waa Sankt Göransgatan 82A
Maalintee ugu dambaysa isdiiwaangelinta? Isniinta 13 mey
Warbixin degdeg ah oo ku saabsan toddobaadka Järva
Waa maxay? Mashruuca ayaa ka qaybgelaya Järvaveckan
Waa goorma? waa 31 mey iyo 1 juun saacadda 12.00-19.00
Waa halkee? waa Spånga IP. Solhems Hagväg 2, Spånga
Maalintee ugu dambaysa isdiiwaangelinta? waa isniinta 20 mey.
Haddii aad u baahantahay in lagaa caawiyo isdiiwaangelinta, kala la soo xiriir hoggaamiyaha mashruuca Doaa Zatara doaa.zatara@ungsyn.se ama 0765399284.